Hordhac: West Ham vs Chelsea – Kulanka Go’aaminaya Kaalinta Afraad,
West Ham iyo Chelsea ayaa kulmaya fiidka hore ee caawa kulan xaasaasi ah oo saamayn ku yeelanaya kaalinta afraad ee horyaalka Premier League.Kulankan lagu magacaabo London Derby ayaa xilli ciyaareedkan xiise gaar ah leh, waxaanay Blues iyo West Ham oo isku dhibco ah ay mid walba u dagaallami doontaa in ay si buuxda ugu fadhiisato kaalinta afraad, halka kooxda laga badiyaana ay suurtogal tahay in ay u degto kaalinta toddobaad oo ay xataa kasii hoos marto Liverpool iyo Tottenham.Chelsea ayaa ku qasban in aanay wax dhibco ah…