Waa Iga Dhab!!! Daniel Ek Oo Xaqiijiyey In Ay Ka Go’an Tahay Inuu

Maalqabeenka reer Sweden ee Daniel Ek ayaa ka hadlay hadal-haynta suuqa ku jirta ee sheegaysa in uu doonayo inuu la wareego kooxda kubadda cagta Arsenal oo ay taageereyaasheedu ku mudaharaadayaan mulkiilaha Maraykanka ah ee Stan Kroenke, kaas oo ay ka dalbanayaan in uu kooxda iibiyo.

Daniel Ek oo ah aas-aasaha shirkadda Spotify ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo, in uu Arsenal ku iibsado lacag dhaadhaysa £2BILLION oo Gini, wararka sheegaya arrintana ay yihiin xaqiiqo.

38 jirkan yaraanta ku noqday maalqabeenka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay, in uu Stan Kroenke u shubo lacag dhaadhaysa £2 bilyan oo uu kagala wareego mulkiyadda kooxda, laakiin uu sidoo kale hayo lacago kale oo uu ugu talo-galay in uu ku maalgeliyo kooxda oo uu dib ugu dhiso kooxda, si ay ugu tartanto horyaalka Premier League.

Horraantii toddobaadkan ayay soo baxeen wararka sheegaya in Ek oo hantidiisa lagu qiyaasay £3.5 bilyan oo Gini, uu doonayo iibsiga Arsenal, waxaana soo dhoweeyey tallaabadaas halyeeyadii Gunners ee Thiery Henry, Patrick Vieira iyo Dennis Bergkamp, kuwaas oo tibaaxay in kooxda ay dani ugu jirto in Ek ay gacantiisa gasho.

Kroenke ayaa la rumaysan yahay in uu ogolaan doono in uu £2 bilyan iska qaato oo uu faasaxo kooxda inkasta oo warfare uu shalay soo saaray uu ku sheegay in aanay Arsenal iib ahayn oo aanu Ek ka iibin doonin.

Daniel Ek oo illaa yaraantiisii taageere u ahaa Arsenal, ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta CNBC, waxa uu ku xaqiijiyey damaca kaga jira Arsenal, waxaanu yidhi: “Waa iga dhab. Waxa aan u hayaa lacag, waxaanan doonayaa in aan mulkiileyaasha u keeno dalab aad u adag. Waxa aan rajaynayaa in ay i dhegaysan doonaan.”

EK waxa uu qiray in aanu filaynin in arrinta iibsiga Arsenal aanay degdeg u dhacaynin, muddo dheerna uu ku taamayay in uu noqdo mulkiilaha kooxdan, waxaanu yidhi: “Hubaashii maan filaynin in ay tani ku dhici doonto habeen gudihii, muddo dheer ayaanan isku soo diyaarinayay safarkan.”

Kroenke oo 73 jir ah, iskana leh shirkadda KSE ayaa saamiilayda Arsenal iyo guddida maamulka ka mid noqday sannadkii 2008, saddex sannadood kaddibna waxa uu noqday saamiilaha ugu badan kooxda ee ay go’aamada oo dhani ka go’aan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More