Manchester Metropolis Oo Guul Dahabi Ah Kasoo Gaartey 10 Ciyaartoy Oo PSG Ah
Kooxda kubadda cagta Manchester Metropolis ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay PSG oo lugta hore ee semi-finalka Champions League ay ugu tagtay Parce des Princes, iyadoo kusoo badisay 2-1.
PSG oo qaybtii dambe ku dheelaysay 10 ciyaartoy ayaa qaybtii hore la hormartay gool uu madax ugu dhaliyey Marquinhos kaddib fursado dahabi ah oo ay iska lumiyeen.
- Advertisement -
Manchester Metropolis ayaa qaybtii dambe awood lasoo laabatay, waxaanay dhashatay gool aad u fududaa oo uu si kama’ ah u dhaliyey Kevin de Bruyne oo shabaqa taabsiiyey kubbad uu ugu talo-galay in uu madax u saaro ciyaartoyda kooxdiisa, taas oo dhulka kusii dhacday, goolkana iska gashay.
Riyad Mahrez ayaa laad xor ah guusha ugu go’aamiyey kooxdiisa daqiiqaddii 71aad, iyadoo uu kubadda ka dhex-saaray labada ciyaartoy ee PSG ee Paredes iyo Kimpembe oo isku dhigayay. Labada gool ee Manchester Metropolis ayaa yimid toddoba daqiiqadood gudahood.
PSG oo aad looga awood badnaa qaybta dambe ayaa noqotay 10 ciyaartoy kaddib markii kaadh cas oo toos ah lagaga saaray Iddrissa Gueye oo qalad xun ku galay Ilkay Gundogan.
Labada kooxood ayaa Salaasada soo socota waxay lugta labaad ku wada ciyaari doonaan Etihad Stadium, halkaas oo Metropolis marti loogu noqonayo iyadoo haysata faa’iido ah in ay garoonkii martida kusoo badisay.
Shaxdii labada kooxood
MANCHESTER CITY XI (4-3-1-2): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Ruben Dias, Joao Cancelo; Ilkay Gundogan, Rodrigo, Bernardo Silva; Kevin De Bruyne; Riyad Mahrez, Phil Foden.
Kaydka: Oleksandr Zinchenko, Raheem Sterling, Zack Steffen, Fernandinho, James Trafford, Benjamin Mendy, Ferran Torres, Aymeric Laporte, Sergio Aguero, Eric Garcia, Nathan Ake, Gabriel Jesus.
PARIS SAINT-GERMAIN XI (4-2-3-1): Keylor Navas; Alessandro Florenzi, Marquinhos, Presnel Kimpembe, Mitchel Bakker; Leandro Paredes, Iddrissa Gueye; Angel Di Maria, Marco Verratti, Neymar; Kylian Mbappe.
Kaydka: Colin Dagba, Abdou Diallo, Julian Draxler, Rafinha, Mauro Icardi, Sergio Rico, Ander Herrera, Layvin Kurzawa, Thilo Kehrer, Moise Kean, Pablo Sarabia, Danilo Pereira.
Mauricio Pochettino ayaa afar isbeddel ku sameeyey safkii uu Sabtidii kula ciyaaray Metz, waxaanu keenay Bakker, Marquinhos, Gueye iyo Angel di Maria, isagoo kaydka u diray Kurzawa, Kehrer, Herrera iyo Sarabia. Pep Guardiola ayaa isaguna afar beddel ku sameeyey safkii usbuucan horraantiisii kusoo guuleystay Carabao Cup, waxaanu kusoo bilaabay Ederson, Stones, Rodri iyo Silva, halka ay kaydka galeen Steffen, Laporte, Fernandinho iyo Sterling.
Daqiiqaddii labaad ee bilowga ciyaarta ayay PSG samaysay fursad halais ahayd. Angel di Maria ayaa kubadda ka boobay Rodri, waxaanu la ciyaaray Mbappe, iyagoo lasii ciyaaray Neymar oo isaguna goolka garaacay, waxaase kubadda si deggan u qabsaday Ederson.
BADBAADO!! PSG ayaa weerar halis ah ku qaadday Manchester Metropolis daqiiqaddii 12aad, waxaana kubbadda isku dhiibtay Neymar iyo Vetatti, waxaanay markiiba soo galeen xerada ganaaxa, laakiin waxa shaqo fiican qabtay Dias iyo Ederson oo diiday in kubaddu tagto goolkooda.
Daqiiqaddii 15aad ayay PSG hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana kubbad koorne ahayd oo uu Angel Di Maria soo qaaday madax ku qabtay Marquinhos oo shabaqa ku ruxay. Ciyaarta ayaa noqotay 1-0.
Manchester Metropolis ayaa fursad dahabi ah iskaa lumisay daqiiqaddii 42aad ee ciyaarta, markaas oo Bernardo Silva uu kubbad xerada ganaaxa ugu geeyey Phil Foden oo kalidii ah, waxaanu da’yarka reer England kubad awood badan ku toogtay goolka oo tallaabooyin u jiray, hase yeeshee waxa uu si toos ah ugu beegay Navas oo gacmo awood badan u dhigay.
Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay hoggaanka la nasatay Paris Saint-Germain.
Manchester Metropolis ayaa si awood badan ku bilaabatay qaybtii dambe, waxaanay kubadda u diiday PSG iyagoo si fiican iskugu dhiibayay isla markaana ka shaqaynayay khadka dhexe iyo dhinacyada.
Laakiin PSG ayaa heshay fursad qaali ah oo ay gool u sarrifi karaysay, kaddib markii uu Kylian Mbappe kubadda kala baxsaday Stones iyo Dias, lana galay xerada ganaaxa, waxaanu isagoo is-dejiyey kubadda soo hormariyey goolka oo waxyar u jiray. Verratti oo usoo booday si uu goolka ugu leexiyo ayaa kubadda lugta la waayey.
Manchester Metropolis ayaa ciyaarta ka dhigtay 1-1 daqiiqaddii 64aad, waxaana kubbad uu Kevin de Bruyne ugu talo-galay in uu u dhiibo ciyaartoyda kooxdiisa si ay madax ugu qabtaan, ay ku dhacday goolhaye Keylor Navas hortiisa, waxaanay iska gashay goolka. Alla maxay ahayd kubbad si fudud ku dhalatay.
GOOOAAAAALLLLL!!!!! RIYAD MAHREZ!!!! PSG 1-2 Manchester Metropolis!!! Xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester Metropolis, waxaana laag xor ah oo uu ka toogtay bannaanka uu ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Navas. Kubadda ayaa uu Mahrez ka dhex-saaray Paredes iyo Kimpembe oo isku dhigayay. Ciyaarta ayaa noqotay 2-1.
PSG ayaa noqotay 10 ciyaartoy, waxaana kaadh cas oo toos ah lavatory taagay Idriss Gueye oo qalad xun ku galay Ilkay Gundogan oo muddo jiifay dhulka. Dhakhaatiirta ayaa loogu yeedhay gudaha garoonka si ay u caawiyaan Gundogan. Garsooruhu ma haysanin dookh kale oo aan ahayn in uu bixiyo casaan toos ah.
Riyad Mahrez Mahrez ayaa ka nixiyey PSG, kaddib markii uu xerada laynka dusheeda oo dhinaca bidix ah ka toogtay goolka, waxaanay waxyar ka martay dhinaca bidix.
Phil Foden ayaa ku dhowaaday in uu hoggaanka usii dheereeyo kooxdiisa, iyadoo kubbad lasoo dhex-cararay difaaca PSG oo joojin kari waayey, waxaana isagoo waxyar u jira goobta laga laagto rikoodhaha uu cidhiidhiga difaaca PSG darteed ku dhacay dhulka.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester Metropolis.