Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Weerarka Yuhuuddu Ku Qaadeen Masjidul-AQSA
Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay weerarka ay Yuhuuddu kusoo qaadday masaajidka Barakaysan ee Qudus oo maalmihii ugu dambeeyey ay ciidameedu dhibaataynayeen, taas oo ay kusii xigsiiyeen diyaarado ay ku duqeeyeen Gaza.Ciidamada Israel ayaa soo weeraray masaajidka barakaysan ee Aqsa, waxaanay isku dhaceen shacabka Falastiin ee aan hubaysnayn oo isku dayay in ay difaacaan iyagoo mudaharaad samaynaya.Diyaaradaha dagaalka ee Yuhuudda ayaa iyaguna weerar ku qaaday Gaza, waxaanay Salaasadii ku dileen illaa 24 qof…