Eeg: DF oo ka jawaabeysa qaraarada AU
Muqdisho (Axadle) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay qaraar uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ku saabsan xaaladda ka dhalatay doorashadii Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo mid ka mid ah go’aamadii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, laakiin uu ka soo horjeestay labo.
Dubbe wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan qodobka ah in Midowga Afrika uu ergay gaar…