Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxeexii La Sugayay
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu shaacisay saxeexeeda cusub ee Sergino Dest oo ay kala soo wareegtay Ajax, kaas oo ay kaga soo adkaatay Bayern Munich oo kula tartamaysay.Sergino Dest oo u dhashay waddanka Maraykanka ayay Barcelona kusoo iibsatay 21 milyan oo Euro iyo 5 milyan oo Euro oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhan bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho, taas oo qiimihiisa gaadhsiin doonta illaa 26 milyan oo Euro.Laacibkan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa June 2025,…