“Man United La’aanta Harry Kane Horyaalka Way Ku Guuleysan Kartaa
Tababare Ole Gunnar Solskjaer kuma farxi doono haddii uu Harry Kane ku biiro koox kale oo ay horyaalka ku xifaaltamayaan balse Man United wali way ku guuleysan kartaa horyaalka la’aantii sida uu qabo xiddigii hore ee kooxdaas ee Owen Hargreaves.Hargreaves ayaa qaba in Man United ay u baahantahay saxeexyada garab midig, khad dhexe oo bur-buriye ah iyo daafac dhexe si ay horyaalka ugula loolamaan Man City.Man United, City iyo Chelsea ayaa ah saddexda kooxood ee la filayo inay isku dayaan saxeexa Harry Kane kaddib markii uu u…