“Man United La’aanta Harry Kane Horyaalka Way Ku Guuleysan Kartaa

Tababare Ole Gunnar Solskjaer kuma farxi doono haddii uu Harry Kane ku biiro koox kale oo ay horyaalka ku xifaaltamayaan balse Man United wali way ku guuleysan kartaa horyaalka la’aantii sida uu qabo xiddigii hore ee kooxdaas ee Owen Hargreaves.

Hargreaves ayaa qaba in Man United ay u baahantahay saxeexyada garab midig, khad dhexe oo bur-buriye ah iyo daafac dhexe si ay horyaalka ugula loolamaan Man City.

Man United, City iyo Chelsea ayaa ah saddexda kooxood ee la filayo inay isku dayaan saxeexa Harry Kane kaddib markii uu u sheegay kooxdiisa Tottenham inuu bixitaan doonayo.

Kane si loo helo ayay kooxda doonaysaa ku qasbanaan doontaa inay lacag badan bixiso maadaama saddex sano ka hadheen heshiiskiisa Spurs, kooxda doonaysa ayay tahay inay marka hore xiddigo iibiso si ay uga samayso lacagta ay ku helayso.

Si kastaba, iyadoo Edinson Cavani dhawaan heshiis kordhin sameeyay, Mason Greenwood uu horumar samaynayo ayay su’aashu tahay miyay Red Devils tahay inay lacagtooda xagaaga oo dhan hal xiddig oo Harry Kane ah ku bixiyaan.

Owen Hargreaves ayaa yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Waa wicitaan weyn, miyaad helaysaa garab midig, khad dhexe iyo daafac dhexe mise way baxayaan oo Harry Kane ayay helayaan”

“Uma malaynayo inay jirto su’aal sax ama qalad ah, waxa aad odhan karto ayaa ah inaysan doonayn in Kane meel kale tago, ma doonayaan iyagu inuu isagu tago tartankooda (Kooxaha la tartamaya), waan hubaal wax badan ayaa hadda daaha dabadiisa ka soconaya”

“Shaqaalaysiintu (Ciyaartoy keenistu) waa mid fudud, waxaad is weydiinaysaa maxaynu haysanaa maxaynu se u baahanahay, daafac dhexe iyo khad dhexe iyo garab midig, haddii Ole uu helo saddexdaas horyaalka wuu ku guuleysan karaa xilli ciyaareedka dambe”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More