Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa galay usbuucii 31aad ee xilli ciyaareedkan, waxaana marka ay soo dhamaadaan kulamani kaliya hadhsanaan doona toddoba ciyaarood oo kale oo ay koox waliba dheeli doonto, taas oo ka dhigan in waqtiga ay kooxaha kaalmaha sare haystaan uu aad u kooban yahay.Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta ayaa waajahaysa Tottenham, kulan saamayn badan ku yeelanaya booska ay Spurs kaga dhamaysan karayso horyaalka.Tababare Jose Mourinho oo ay kooxdiisu ku jirto kaalinta shanaad,…