Imisa Dhibcood Ayaa Laga Jarayaa Chelsea, Halkee Ayayse Ka Geli

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la sheegayaa in ay suurtogal tahay in laga  jaro dhibco kaddib rabshaddii ay ciyaartoydeedu sameeyeen kulankii Leicester City ee toddobaadkii hore.

Xiddigaha Chelsea iyo kuwa Leicester ayaa isku dhacay dhamaadka kulankii Stamford Bridge  ay Blues 2-1 ku badisay ee  Salaasadii, markaas oo Ricardo Pereira uu qalad ku galay Ben Chilwell, kaddibna ay ciyaartoyda labada kooxood isku dhaceen.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa labada kooxoodba ku riday ganaax lacageed, waxaana la siiyey in ay jawaab kusoo bixiyaan muddo kooban.

Chelsea ayaa lasoo warinayaa in lagu ridayo ganaax kale oo dhibco laga jarayo iyadoo lagu eedaynayo in ay noqdeen caadaysteyaal ku dagaallamaya garoonka dhexdiisa, isla markaana toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey ay toddoba jeer dagaal sameeyeen.

Xubin hore uga tirsanaan jiray shaqaalaha FA, aqoonna u leh anshax marinta lagu sameeyo kooxaha ayaa waxa uu sheegay in ay jirto arrin la xidhiidha ganaax lagu ridayo Chelsea oo la xidhiidha dhibco laga jarayo.

Haddaba, imisa dhibcood ayaa laga jarayaa Chelsea?

Chelsea ayaa xataa haddii ay usoo baxdo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, waxay halis ugu jirtaa in hoos loo dhaadhiciyo, sababtoo ah dhibcaha laga jarayo ayaa ah kuwo keenaya in ay si aad ah hoos ugu degaan.

Ma jiro dhibco cayiman oo uu tilmaamayo sharciga anshax marinta ah, laakiin waxa uu wargeyska Mirror sheegay in ay jiraan kooxo hore looga soo jaray 12 dhibcood kaddib ganaaxyo lagu riday.

Kooxda kubadda cagta Sheffield Wednesday ayaa laga jaray lix dhibcood kaddib markii ay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaagga, sidoo kalena Wigan Athletic ayaa 12 dhibcood laga  jaray.

Chelsea ayaa naf ahaanteedalagu riday ganaax lagaga jaray dhibcahan oo kale xilli ciyaareedkii 1990/91 markaas oo ay ciyaartoygeedu la dagaallameen kuwa Manchester United iyo Arsenal.

Manchester United ayaa iyadana laga gooyey dhibic kaliya waqti la ganaaxay, halka Arsenal oo la dagaallantay Norwich City sida Chelsea oo kale iyagana laga jaray laba dhibcood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More