FINALKA EUROPA LEAGUE: Shaxaha Rasmiga Ah Ee Man United vs Villarreal
Ciyaaryahanadda Manchester United iyo Villarreal ayaa ku sugan gudaha garoonka PGE Arena ee magaalada Gdansk ee waddanka Poland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan 9,500 taageereyaal ah, kuwaas oo kala taageeraya labada naadi.Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya in uu United kula guuleysto koobkii ugu horreeyey ee isagoo tababare ah kaddib afar final oo lagu garaacay, waxaana uu ciyaartan kusoo bilaabay shaxda ugu adag ee uu heli karayay.Weerarka ayay kusoo wada bilowdeen Marcus Rashford, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood oo…