“Shut Up” – Edinson Cavani Oo Garoonka Dhexdiisa Ku Bahdilay Tababare
Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani ayaa isku dhacay, ereyo kulul na isweydaarsaday intii ay socotay ciyaartii Manchester United guul-darradu kasoo gaadhey ee Villarreal ay rikoodheyaasha kaga qaadday Koobka Europa League.Tababare Solskjaer ayaa iska lumisay fursad uu United kula guuleysan lahaa koobkii ugu horreeyey, waxaana qaybtii horeba dhaawacay Gerard Moreno oo lugta geliyey kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Daniel Parejo daqiiqaddii 29aad.Victor Lindelof ayaa kubaddaas ku fashilmay in uu ka difaaco kooxdiisa,…