Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Xalay Gadhka Iskaga Dhex Xiiray
Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Jorginho ayaa garoonka dhexdiisa lagaga xiiray gadhka kaddib Final-kii UEFA Champions League ee ay xalay guusha ka gaadheen Manchester City.Jorginho ayaa gadhkiisa garoonka ku xiiray maadaama oo uu ku guuldarraystay sharad uu la galay mid kamida saxafiyiinta gegida joogtay oo lagu magacaabo Fred Caldeira.Sharadka ayaa ahaa in haddii ay Chelsea ku guuleysato Champions League gadhka laga xiiri doono Jorginho halka saxafiga qudhiisana laga xiiri doono shaarubaha oo ugu dambayn uu isagana…