Akhristeyaal, kusoo dhowaada wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee sida maalinlaha ah aanu idiinku soo gudbinaynay, kuwaas oo aanu ku eegno qodobbada ugu waaweyn ee dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey, xanta suuqa iyo hadal-haynta.Xuquuqda xogta war kasta, waxa iska leh magaca wargeyska ku hor qoran qodob kasta.Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa caydhinaysa tababare Jose Mournho, mana laylin doono xilli ciyaareedka dambe, haddii ay kooxdu usoo bixi weydo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2021-22.…