AKHRISO: Warqaddii Murugada Lahayd Ee Seid Visin Uu Sii Qoray Ka Hor

Seid Visin oo ku dhashay Itoobiya ayaa la siiyey qoys Talyaani ah oo u qaatay waddankooda xilli ay da’diisu aad u yarayd, waxaana uu halkaas  ka bilaabay ciyaaraha kubadda cagta isagoo waqtiyo kusoo qaatay kulliyadda AC Milan iyo Benevento, laakiin waxa uu ciyaaraha ka fadhiistay 2016 oo uu ku ekaaday waxbarashadiisa.

Kaddib sannado cunsuriyad lagula kacayaya, Seid Visin ayaa is-dilay, waxaana shalay oo Sabti ahayd lagu aasay Talyaaniga.

Ka hor intii aanu is-dilin, Seid Visin ayaa sii qoray warqad qiiro leh oo laga dul akhriyey xabaashiisa, waxaana uu ku yidhi qoraalkaas: “Hadda, meel kasta oo aan tago, meel kasta oo aan joogo waxa aan garbahayga ka dareemayaa sida dhax-weyn, culayska dadku i saareen ee shakiga, eexda, karaahiyada iyo cabsida leh.”

Visin ayaa qoraalkiisan ku sheegay, sababta uu isku dilay inay tahay culayska badan ee shaqsiga ah ee la saaray, taas oo soo socotay sannado badan.

Cunsuriyadda ayaa kusoo bilaabatay markii uu isagoo aad u da’yar tegay Talyaaniga.  Waxyaabaha ku dhacay waxa ka mid ahaa, in isagoo mudalab ka ahaa hotel ay gabadh caddaan ahi iska diidday in uu u adeego.

Visin ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yidhi: “Waxa aan isku dayay in aan dadka u caddaayo, in aanay ii garanayn in aan iyaga oo kale ahay, in aan Talyaani ahay iyo in aan caddaan ahay (madow ayuu ahaa.

“Waxa aan dareemay oo aan ka xishooday midabkayga madowga ah, waxaanan xataa ka baqday in la igu qaldo dadka muhaajiriinta ah (tahriibeyaasha Talyaaniga galay)”.

Goolhayaha kooxda AC Milan ee Gianluigi Donnarumma ayay qol wada degganaan jireen Visin markii ay da’yarta kooxda ka wada tirsanaayeen, waxaana uu goolhayahani ka hadlay warkan murugada leh.

Donnarumma ayaa yidhi: “Waxa aan la kulmay Seid isla markii aan imid Milan, waxa aanu ku wada noolayn iskuulka boodhinka, sannado yar ayaanu wada degganayn laakiin ma illoobi karayo, mana doonayo in aan illoobo qosolkiisii cajiibka ahaa, waxay ahayd nolol farxadeed. Waxa uu ahaa saaxiib iyo wiil aniga oo kale ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More