Messi, Neymar Iyo Kabtannada Xulalka Latin America Oo Diiday Inay La
Madaxweynaha waddanka Brazil ee Jai Bolsonaro ayaa ku ceeboobay kulan uu ka dalbaday kabtannada xulalka qaramada Latin America ee ay hormoodka u yihiin Lionel Messi iyo Neymar, xilli uu halis ku jiro tartanka Copa America oo ay ciyaartoyda Brazil iyo kuwa kaleba diiddan yihiin in ay ciyaaraan.
Bolsanaro ayaa dalbaday kulan uu la yeesho kabtannada waddamada, si uu iskugu dayo in uu ku qanciyo in ay joojiyaan diidmadooda ka dhanka ah ka qayb-galka tartanka Copa America.
Xidhiidhka cagta CONMEBOL ayaa go’aansaday in waddamada Colombia iyo Argentina uu ka wareejiyo martigelinta tartanka Copa America oo ay tahay inuu bilaabmo 13 June, waxaanay geeyeen Brazil oo Fayraska Korona uu xadhkaha goostay, ayna u dhinteen in ka badan Nus Malyuun qof.
Maalintii Sabtidii waxa kulmay madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Conmebol, Alberto Dominguez iyo madaxweynaha Brazil ee Bolsonaro waxaanay ka arrinsadeen xaaladda.
Intaas kaddib ayuu Bolsonaro la hadlay kabtannada toban waddan oo Latin America ah oo uu ugu yeedhay Madaxtooyada si ay iyagana u kala war-qaataan, iskuna dayo inuu ka dhaadhiciyo in aan la baajinin tartanka Copa America ee sannadkii horena dib u dhacay, laakiin markiiba waxa uu helay jawaab diido oo degdeg ah.
Ciyaaryahanadda kubadda cagta Brazil ayay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee shaaciyey in aanay ciyaari doonin tartankan oo lagu qabanayo waddankooda, xilli dadkoodu ay u dhimanayaan Fayraska Korona oo la xakamayn kari la’ yahay. Waxa markiiba ku raacay ciyaaryahannada Argentina iyo Uruguay.
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Brazil ee Casemiro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankooda kama dambaysta ah ay shaacin doonaan toddobaadkan, iyadoo sidoo kalena ay jiraan warar sheegaya in uu iscasilayo tababaraha xulka Brazil ee Tite haddii dawladdu kusii adkaysato in tartanka lagu qabto dalkaas.