“Xabaasha Ayuu Johan Cruyff Kasoo Bixi Lahaa Cadho Darteed, Haddii Uu
Dhalleecayn badan ayaa ka dhalatay kulankii barbarra 2-2 kusoo dhamaaday ee xulka qaranka Netherlands iyo Scotland, waxaana tababare De Boer lagu canaanayaa shaxda iyo taatikadii uu kulankaas ku dheelay.Tababaraha Frank de Boer ayaa ku ciyaaray qaab ahaa 5-3-2 oo uu awoodda saaray khadka difaaca, waxaanu ku mutaystay canaan badan iyadoo lagala hormaray laba gool balse uu badbaadiyey Memphis Depay oo labada goolba u dhaliyey.Netherlands oo ka mid ahayd kooxaha laga dheegto kubadda cagta, laguna yaqaano qaab ciyaareed…