YAAB: Virgil Van Dijk Oo Lagu Daray Tababareyaasha Xulka Qaranka
Xiddiga Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa door cusub ka ciyaari doona xulka qaranka Netherlands ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020, waxaanu caawiye u noqonayaa tababare Frank de Boer.29 jirkan difaaca ah ayaa dhaawac ku maqnaa xilli ciyareedkii hore ee 2020-21 oo inta badan kooxdiisa Liverpool aanu u ciyaarin kaddib markii qalliin lagaga sameeyey jilibka bishii October, xilli horyaalku socday wax aan laba bilood ka badnayn.Ronald de Boer ayaa rajaynayay in Van Dijk uu qayb ka noqdo xulka qaranka Netherlands, hase yeeshee…