DAAWO: Goolkii Ugu Qurux Badnaa Tartanka Qaramada Yurub Ee Illaa Hadda
Masaafo 50 yard ah ayuu kubadda ka toogtay, waxaanu ku hubsaday shabaqa garoonka Hampden Park ee ee magaalada Glascow ee waddanka Scotland, intii ay socotay ciyaartii qaramada Yurub ee Scotland iyo Czech Republic.Xiddiga reer Czech ee Patrik Schick ayaa dhaliyey goolkii ugu qurux badnaa tartanka qaramada Yurub intii illaa hadda la ciyaaray, waxaana uu ahaa goolka labaad ee labadii gool ee qarankiisu ku garaacay Scotland oo uu isagu wada dhaliyey.Xulka qaranka Czech Republic ayaa guul muhiim ah kasoo gaadhay Scotlaand oo ay…