DAAWO: Goolkii Ugu Qurux Badnaa Tartanka Qaramada Yurub Ee Illaa Hadda

Masaafo 50 yard ah ayuu kubadda ka toogtay, waxaanu ku hubsaday shabaqa garoonka Hampden Park ee ee magaalada Glascow ee waddanka Scotland, intii ay socotay ciyaartii qaramada Yurub ee Scotland iyo Czech Republic.

Xiddiga reer Czech ee Patrik Schick ayaa dhaliyey goolkii ugu qurux badnaa tartanka qaramada Yurub intii illaa hadda la ciyaaray, waxaana uu ahaa goolka labaad ee labadii gool ee qarankiisu ku garaacay Scotland oo uu isagu wada dhaliyey.

Xulka qaranka Czech Republic ayaa guul muhiim ah kasoo gaadhay Scotlaand oo ay marti ugu ahaayeen caasimaddooda Glasgow, waxaana guushan keenay Patrik Schick oo laba gool u dhaliyey ciyaar galabta dhacday oo kusoo dhamaatay 2-0.

Goolka hore ayuu Patrik Schick dhaliyey dhamaadka qaybta hore, waxaanu ahaa madax uu ka toogtay xerada ganaaxa dhexdeeda, laakiin goolka labaad oo qaybta dambe uu dhaliyey ayuu ka toogtay badhtamaha, waxaanay kubadda oo socotay masaafo 50 yard ah ay gashay goolka.

Patrik Schick oo  u ciyaara kooxda Bayern Leverkusen ee horyaalka Bundesliga, ayaa goolkiisu uu ka sare maray midkii uu xalay dhaliyey weeraryahanka reer Ukraine ee Andriy Yarmolenko oo kubbad meel fog uu ka toogtay ku hubsaday shabaya Holland.

Goolka Andriy Yarmolenko ayaa la isku waafaqsanaa inuu yahay kan ugu quruxda badan illaa uu yimid goolka cajiibka ah ee Patrik Schich.

Halkan ka daawo goolka:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More