Waa Baxaysaa!! – Barcelona Oo Mid Kamida Xiddigaha Waaweyn Ee

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay xaqiijisay rabitaankeeda ah inay iska fasaxdo daafaca dhexe ee ree France ee Samuel Umtiti, xiddiga French-ka ah ayaa xaaladaas oo kale ku jiray suuqyadii ugu dambeeyay oo dhan.

Ciyaaryahanka ayaa ahaa mid iska caabin sameeyay suuqyadaas isaga oo ku guuleystay inuu sii joogo Camp Nou balse hadda kooxda ayaa u caddaysay inay rabto inay iska fasaxdo.

Kaddib dhaawacyo iyo qaab ciyaareed xumo xidhiidh ah oo dishooday, Barca ayay ka go’antahay inay markan dirto Umtiti, waxa sii kordhinaya rabitaanka kooxda ee ah inuu baxo ayaa ah inuu kamid yahay siddeeda xiddig ee ugu mushaharka badan.

Umtiti ayaa hadda ah mid si adag u shaqaynaya isaga oo xarumaha jidh dhiska ku jira toddobaadyadiisa ugu dambeeya ee ka ciyaaryahan Barca ahaan ah.

Barca ayaa u sheegtay Umtiti oo heshiiskiisu dhacayo 2023 inay uga mahad celinayso waxa uu soo qabsaday balse ay tahay wakhtigii uu koox cusub raadsan lahaa, kooxda qudheeda ayaa isku dayaysa inay u raadiso koox iibsata waxaana la filayaa in kooxaha ree France ay xiisaha ugu badan u muujin doonaan.

Barcelona ayaa 25 milyan oo euro kula soo saxeexatay Umtiti sanadkii 2016 oo ay Lyon kala soo wareegeen, ma doonayaan inuu qaab bilaash ah kaga tago waxaana ay isku dayi doonaan inay 5 ilaa 10 Milyan oo pound ku helaan xagaagan.