Jose Mourinho Oo Magacaabay Xiddig Lama Filaan Ah Oo Ingiriiska Ugu

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa magacaabay xiddig lama filaan ah oo Ingiriiska usoo baxay, kaas oo isku muujiyey ciyaartii ay Croatia kaga adkaadeen 1-0.

England ayaa guul ku bilaabatay tartanka qaramada Yurub ee Euro, waxaana  saddexda dhibcood ugu filnaaday gool uu u dhaliyey Raheem Sterling, laakiin laacibka amaanta  badan helay isaga ma ahayn.

Sterling ayaa waxa kubadda xerada ganaaxa ugu geeyey Kalvin Phillips oo waliba difaacyada u dhaafiyey, waxaanu kaliya u baahday inuu taabto oo uu goolhayaha dhinaca ka dhigo.

Jose Mourinho oo inta uu tartanka qaramada Yurub socdo ka shaqaynaya warbaahinta talkSPORT oo uu falanqeeye ka yahay, ayaa waxa uu sheegay, in xiddiga Ingiriiska usoo baxay ee guulaha ku hoggaamin karaya uu yahay  Kalvin Phillips.

Mourinho oo tilmaamayay xiddiga uu sida weyn uga helay, isna muujiyey ayaa waxa uu yidhi: “Waa in aan idhaahdo, Kalvin Phillips…

“Waxyaabo badan ayuu koobsaday. Marka ugu horreysa, waa ciyaartoy aan lahayn khibrad kulamada caalamiga ah, ma aha ciyaartoy soo dheelay Champions League, ma aha laacib 20 ama 25 kulan oo caalami ah jeebadda ay ugu jiraan.

“Waa ciyaartoy xilli ciyaareedkii hore ka yimid Championship-ka (heerka labaad ee Ingiriiska), dabcan xilli ciyaareedka oo dhanna wuxuu ka ciyaarayay horyaalka ugu adag adduunka.

“Waxa uu muujiyey shaqsiyad cajiib ah. Dabcan, Rice ayaa isaguna degganaa mar walba, laakiin Phillips ayaa ka deggenaansho badnaa.

“Wuxuu ku muujiyey kaliya goolka (caawinta) uun maaha, laakiin sida uu kubadda cadaadiska sare u gelinayay, waxaanu joogay boos uu garabkiisa taagnaa Declan Rice.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More