Xog: Ciidamo galay xafiiska guddiga difaaca BF, xog badanna …
Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in ciidamo ay u dhaceen xafiiska guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliya, oo waday baaritaan la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea.
Ilo-wareedyada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaatay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ay galeen xafiiska dhowr maalmood kahor,…