Xog: Kala shaki xoog leh oo ka dhashay qaraxii shalay lala b…

Muqdisho (Axadle) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in kala shaki xoog leh uu soo kala dhax-galay ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku wada sugan degaano ka tirsan degmooyinka Jowhar, Raage-Ceelle iyo Mahadaay. 

Ilo wareedyo ka kala tirsan ciidamada qeybta 27-aad ee xoogga dalka iyo Guutada Gor Gor ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyay in labada ciidan ay kala qabaan shaki ballaaran, kaasoo keenay in ay istaagto wadashaqeyntii ka dhaxeysay ciidamada. 

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada qaar iyaga gaari ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankayna, wax nala cunaan, nala dagaal galaan arrintaas shaki ayaa ka qabnay hadana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, kuwaasoo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay. 

Axadle ma xaqiijin karto dhamaan eedaha loo jeediyay ciidamada qaar balse waxaan xaqiijinay in kala shaki weyn u dhaxeeyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, shakigaas oo ka dhashay gadoodkii ay sameeyeen ciidamada qaar ee diidanaa muddo korarsigii Farmaajo. 

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyey 4 sarkaal oo uu ku jiro Col. Saneey Cabdulle, oo ah Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, kana mid ahaa saraakiisha diiday muddo kororsiga Farmaajo ee ciidanka lasoo galay Muqdisho

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More