Holland Oo Dhamaystirtay SAGAAL Dhibcood & Austira Oo Usoo Gudbay

Netherlands iyo Austria ayaa usoo baxay wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaana rikoodh cajiib ah sameeyey Netherlands oo la barbarreeyey Talyaaniga oo soo wada guuleystay dhamaan kulamadii hormadooda D, halka Austria ay kaalinteeda ku xaqiijisatay guul 1-0 ahayd oo ay ka gaadhay Ukraine oo ay ku xafiiltamayeen midkooda soo raacaya Netherlands.

Kulanka xiisaha lahaa ee hormadan ayaa u dhexeeyey Austria iyo Ukraine oo midkooda badiya uu u gudbayay wareegga 16ka, halka  Netherlands ay hore u xaqiijisatay kaalinteeda balse ay u baahnay in ay xaqiijisato guulo ay ku xidhato wareeggan, si ay iskaga maydho niyad-jabkii Euro 2016 iyo Koobkii Adduunka 2018 ee ay kasoo qayb-geli kari waayeen.

Austria ayaa xaqiijisatay in wareegga 16ka ay u gudubtay daqiiqaddii 20aad markaas oo kubbad uu soo tuuray David Alaba uu madax ku qabtay Christoph Baumgartner oo waxyar kaddib ku baxay dhaawac.

Ukraine ayaa dedaal badan samaysay si ay u keento goolka barbarraha, laakiin waxa ka halis badnayd Austria oo fursado dahabi ahaa uu ka lumiyey Marko Arnautovic oo dersin goolal ah dhalin karayay.

Guushan ayay Austria ku yeelatay lix dhibcood oo ay ka heshay saddexdii ciyaarood, waxaanay ka guuleysatay Ukraine iyo Northern Macedonia, halka iyagana ay ka bdiyeen Netherlands.

Xulka qaranka Holland ayaa iyaguna 3-0 ku garaacay Northern Macedonia waxaana goolka koowaad u dhaliyey saxeexa cusub ee Barcelona ee Memphis Depay, halka labada kalena uu ku daray laacibka ay sida bilaashka ah Liverpool kagala wareegtay PSG ee Georginio Wijnaldum.

Kaalinta koowaad waxa Group D kaga soo baxay xulka Holland/Netherlands oo sagaal dhibcood iyo lix gool haysta, halka Austria oo labaad ku jirtaana ay leedahay lix dhibcood iyo hal gool.

3 – Netherlands have won all three of their group stage games at the European Championships for a third time (2000, 2008 & 2020), more than any other side in the competition. Perfect. #EURO2020 pic.twitter.com/jKFmJgCpVT

— OptaJoe (@OptaJoe) June 21, 2021

Dhinaca kale, Ukraine ayaa rajo ka qabta inay fursad ka hesho qiimaynta  xidhiidhka Yurub oo wareegga 16ka keenaya afar waddan oo kaalmaha saddexaad ka galay hormooyinkooda, kuwaas oo lagu buuxin doono 12 waddan oo kaalmaha koowaad iyo labaad kaga soo baxaya lixda Group.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More