“Waxaan Islahaa Horyaalka Maraykanka Adiga Oo Sigaar Afka Ku Sitaad
Weeraryahanka kooxda Inter Miami ee Gonzalo Higuain ayaa shaaca ka qaaday wixii uu ka filayay horyaalka MLS iyo sidii uu ku noqday xilli uu galayo xilli ciyaareedkiisii labaad ee Major League Soccer.Higuain ayaa ah kabtanka kooxdiisa Inter Miami isaga oo xilli ciyaareedkii dhammaaday 1 gool iyo 2 caawimo kasoo sameeyay kaddib 9 kulan oo uu kusoo bilawday.Gonzalo oo Bobo TV waraysi siinayay ayaa sheegay inuu filanayay inuu horyaalka Maraykanka ka ciyaari karo xataa haddii uu isaga oo sigaar afka ku sita garoonka galo balse uu…