“Waxaan Islahaa Horyaalka Maraykanka Adiga Oo Sigaar Afka Ku Sitaad

Weeraryahanka kooxda Inter Miami ee Gonzalo Higuain ayaa shaaca ka qaaday wixii uu ka filayay horyaalka MLS iyo sidii uu ku noqday xilli uu galayo xilli ciyaareedkiisii labaad ee Major League Soccer.

Higuain ayaa ah kabtanka kooxdiisa Inter Miami isaga oo xilli ciyaareedkii dhammaaday 1 gool iyo 2 caawimo kasoo sameeyay kaddib 9 kulan oo uu kusoo bilawday.

Gonzalo oo Bobo TV waraysi siinayay ayaa sheegay inuu filanayay inuu horyaalka Maraykanka ka ciyaari karo xataa haddii uu isaga oo sigaar afka ku sita garoonka galo balse uu ku adkaaday.

Dhaliyaha ree Argentina ayaa horyaalkaasi la bar-bardhigay midka Talyaaniga isaga oo xusay inay ka siman yihiin wakhtiga la qabsiga ee ay u baahan yihiin.

“Horyaalkani (MLS) waa mid aad u adag, dhakhso ayaan u ogaaday inay Serie A isku mid yihiin, waxaan filayaa in Spain iyo England ay ka fudud yihiin sida loola qabsado qaabka loo ciyaarayo, laakiin Talyaaniga haddii aanad horyaalka garanayn waad dhibtoonaysaa”

“Sanadahaas badan waxaan soo bartay waxyaabo badan waxaanan ahay nooca weeraryahan ee jecel inuu goolasha caawiyo”

“Markii aan Yurub joogay kubadda cagta waxyaabaha ka baxsan wanaag kumaan dareemayn, Gianluigi Buffon ayaa mar ii sheegay marka aanan dareemin dab gudahayga ka baxaya (Dhiirigelin) inay tahay wakhtigaan isbedel samayn lahaa, waxaan moodayay inaan MLS ka ciyaari karo aniga oo sigaar afka ku haya”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More