Ingiriiska Oo Lumiyey Fursad Uu Wareegga 16ka Ugu Gudbi Lahaa,
Xulka qaranka England ayaa lumiyey fursad uu ugu gudbi lahaa wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay barbar-dhac goolal la’aan ah garoonkooda Wembley Stadium kula galeen xulka Scotland oo marti u ahaa.England ayaa noqon lahayd waddanka u horreeya Group D ee u gudba wareegga 16ka, iyagoo yeelan lahaa lix dhibcood, laakiin waxay hadda fadhiyaan kaalinta labaad ee hormadan iyagoo ka dambeeya Czech Republic oo ay isku dhibco yihiin kulanka dambena ay ballansan yihiin.Tababare Gareth Southgate ayaa…