WARAYSI XAASAASI AH: “Ronaldo Wuxuu Jeclaan Lahaa Inuu Helo
Romelu Lukaku iyo Cristiano Ronaldo ayaa ku dagaallamaya kabta dahabka ah ee tartanka Euro 2020, laakiin midkood ayuun baa nasiib u yeelan doona inuu kusii jiro tartanka wixii ka dambeeya Axadda iyadoo kan kalena ka hadhi doono.
Belgium iyo Portugal ayaa foodda isku daraya wareegga 16ka Euro oo ay isku beegmeen, waxaana iska hor imanaya Ronaldo oo shan gool soo dhaliyey, ahna ciyaartoyga hoggaaminaya gool-dhalinta iyo Lukaku oo haysta saddex gool, kana mid ah xiddigaha loo saadaalinayo inay kabta dahabka ah qaadan karaan.
Lukaku ayaa bixiyey waraysi xaasaasi ah ka hor kulankan, waxaanu ka hadlay awoodda ay leeyihiin isaga iyo Ronaldo, waxa uu jeclaan lahaa inuu kasoo qaato laacibka reer Portugal, waxa uu isagu haysto ee aanu Ronaldo haysanin iyo arrimo kale.
Su’aasha ugu horreysa ayaa laga weydiiyey haddii xafiiltanka Cristiano Ronaldo ee horyaalka Talyaaniga ee Serie A ay isaga xirfad ahaan sare u qaadday, waxaanu ku jawaabay: “Heerkayga shaqsiga ah, haa.
“Laakiin koox ahaan (Inter) waxa kaliya muhiim noo ahayd in aanu ku guuleysano horyaalka, waananu samaynay. Sida aanu ku qaadnay horyaalku wuxuu ahaa cajiib, dhamaan kulamaduna waxay ahaayeen kuwo waaweyn, in badan ayaanu guuleysanay, waxaanu noo ahaa xilli ciyaareed wanaagsan. Waxa aan rajaynayaa in sannadka dambena aanu sidaas oo kale samayno.”
Intaas kaddib waxa la weydiiyey wax uu hibo u leeyahay Ronaldo oo uu jeclaan lahaa in uu haysto iyo haddii ay jiraan hibooyin dabiici ah oo uu shaqsiyan isagu leeyahay oo Cristiano Ronaldo aanu haysanin, waxaanu ku jawaabay: “Anigu waxa aan jeclaan lahaa in aan helo goysmadiisa iyo sida uu kubadda u laado. Isaguna wuxuu jeclaan lahaa in uu helo awooddayda!”
Ronaldo waxa uu hoggaaminayaa tartanka gool-dhalinta isagoo jabiyey rikoodhkii Ali Daei ee ciyaartoyga ugu goolasha badan xulalka, waxaanay labadooduba dhaliyeen min 109. Waxa kale oo uu yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan qaramada Yurub abid isagoo dhaliyey 21 gool.
Lukaku ayaa wax laga weydiiyey gool-dhalinta Ronaldo, waxaanu ku jawaabay: “Waxa jira tirooyin cajiib ah. Haddii uu jiro qof gaadhi karaya tirooyinkaas, waa isaga [Ronaldo], koofiyadda ayaan u saarayaa waxa uu samaynayo.
“Waa imisa jir, ma 36? Juventus ayay Champions League ka reebtay Porto. Sida loo dhalleeceeyey, anigu waxa aan lahaa ‘woow, lama rumaysan karayo’.
“Kaddibna kulankii dambe ayuu saddexlay dhaliyey. Waa dhiirrigelin marka aad haysato qof horyaalkaaga ah oo waxaas ku samayn karaya da’daas. Waxa aad is weydiinaysaa maxaan u gaadhi waayey heerkaa ama sidee suurtogal ah ee aan ugu dhowaan karayaa? Isagu waa ciyaartoy aanad tirin karaynin guulihiisa. Waana mid cajiib ah.”
Waxa kale oo Lukaku wax laga weydiiyey haddii uu ku riyoonayo inuu ku guuleysto abaal-mnarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or maadaama uu soo hantiyey Serie A, xiddigii ugu wanaagsanaa Talyaaniga, isla markaana uu ku darsado tartanka Euro. Lukaku ayaa ku jawaabay: “Dhab ahaantii waa hadaf weyn iyo riyo aan lahaa illaa carruurnimadaydii.
“Waxa aan doonayaa in aan tallaabo-tallaabo u socdo si aan usii fiicnaado. Dadku mar walba waxay ka hadlaan Harry Kane, Robert Lewandowski, Karim Benzema, waxayna yidhaahdaan waa heer caalami, aniguna mar walba waxaan ku jiraa ‘qaab wanaagsan’.
“Labadii sannadood ee ugu dambeeyey, waxa aan muujiyey in aanan kaliya qaab wanaagsan ku jirin, balse aan ka mid ahay kooxdaas [Kane, Lewandowski, Benzema]. Waxa aan dhab ahaantii doonayo waa in aan bilaabo guuleysiga.
“Guushii Inter waxay isiisay dhiirigelin badan oo aan ku sameeyey horumar dheeraad ah. Hadafka ugu dambeeyaana wuxuu noqonayaa in aan la guuleysto kooxda qaranka. Taasi waa aqoonsiga ugu sarreeya ee ciyaartoydu ku helaan halkan, sharaf ayaanay u tahay Belgium.
“Taas ayaan u baahanahay, xariiqa [laynka] u dhexeeya daandaansiga, dadka qaar ayaa ka gudba. Anigu waxaan tegayaa xariiqaas, kaddibna waxaan ogaanayaa in taasi tahay xadka, kaddibna waxa aan kaliya doonayaa in aan gooleysto, hadafkaygu waa kaas.