“Hibo Khaas Ah Ayuu Leeyahay” – Xiddig Liverpool & Arsenal Isha Ku
Khubarada kubadda cagta England ee Gary Lineker iyo Micah Richards ayaa amaah ugu qubeeyay da’yarka weeraryahanka ah ee xulka qaranka Sweden ee Alexander Isak oo lala xidhiidhinayo kooxda Premier League ee Liverpool.21 sano jirkaas ayaa qayb muhiima ka qaatay rigoorihii xulkiisa Sweden ka caawiyay inay guul ka gaadhaan dhigooda Slovakia kulankii shalay.Isak oo xilli ciyaareedkii hore 17 gool usoo dhaliyay kooxdiisa Real Sociedad ayaan kaliya Liverpool lala xidhiidhinayn balse waxa dhinaceeda kaga jirta Arsenal.Gary Lineker…