Messi, Maradona, Aguero: Waa Kuma Xiddiga Ugu Safashada Badan Xulka
Lionel Messi wuxuu dhigay rikoodho meel walba oo uu ka ciyaaro, xataa kama badbaadin xulka qarankiisa Argentina.Waayihiisa ciyaareed ayaa isku darsaday mid goolal iyo safashada kulamo tiro badan, waxaana ka caawiyey hibadiisa dabiiciga ah iyo dhaawacyo la’aanta.Laacibkan ayaa hadda ku sugan waddanka Brazil isagoo qayb ka ah ciyaartoyda xulka qaranka dalkiisa ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Latin America ee Copa America, waxaanu ku dedaalayaa inuu rumeeyo riyadiisa ah inuu tartankan kula guuleysto waddankiisa.Xulka…