Jose Mourinho Oo Saadaaliyay Halka Uu Xulka England Gaari Doono Ka Dib
Jose Mourinho ayaa filanaya in England ay gaarto finalka Euro 2020 ka dib markii ay Jarmalka garaaceen iyagoo buukintay booskooda wareega sideed dhamaadka.Goolal qeybtii labaad ah oo ay dhaliyeen Raheem Sterling iyo Harry Kane ayaa ka caawiyay xulka England inay 2-0 kaga badiyeen Jarmalka ciyaar ka dhacday garoonka Wembley xalay oo Talaado aheyd.Waxay aheyd guushii ugu horerysay ee ay England ka gaarto Jarmalka tartan rasmi ah oo wareegiisa kala baxa tan iyo Koobkii Adduunka ee ay ku guuleysteen sannadkii 1966.Xulka England…