France, Germany Iyo Portugal Oo Ciyaaro Musalsal Ahaa Ugu Soo Gudbay
Saddexda waddan ee France, Germany iyo Portugal ayaa usoo gudbay wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay barbarro ku dhamaysteen kulamadii ugu dambeeyey Group-ka dhimashada ee F.Kulamo aad u adkaa oo natiijooyin isku mid ah kusoo dhamaaday ayay farta dal ee ku wada jira Hormada F ee France, Portugal, Germany iyo Hungary ayey saddex waddan ugu soo baxeen wareegga xiga, halka uu si toos ah u hadhay xulka qaranka Hungary oo argagax ku riday Germany.Portugal iyo France ayaa ku dhamaystay barbarro 2-2…