Muxuu Raheem Sterling Ka Yidhi Rikoodhihii Muranku Ku Jiray Ee Loo

Raheem Sterling ayaa ka  hadlay rikoodhihii muranku ku jiray ee xalay loo dhigay, kaas oo dalkiisa ka caawiyey in ay waqtigii dheeraadka ahaa ka adkaadaan Denmark una gudbaan finalka tartanka qaramada Yurub.

England ayay u ahayd habeen taariikhi ah oo ay soo afjareen inkaartii ka haysatay tartamada, waxaanay tageen final markii u horreysay muddo 55 sannadood ah.

In halkan oo kale ay yimaaddaan, waxa ugu dambaysay Koobkii Adduunka 1966kii ee ay ku guuleysteen, intii ka dambaysay oo dhanna waxay xataa awoodi waayeen in ay semi-final soo gaadhaan.

Garoonka Wembley ayay si weyn ugu dabbaal-dageen xalay sidii ay qaadeen koob oo kale, waxaana caawiyey gool uu iska dhaliyey Kjaer iyo rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 4aad ee 30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta oo waqtigeeda caadiga ah uu kusoo dhamaaday barbarro 1-1 ah.

Raheem Sterling ayaa dhinaca midig kasoo galay xerada ganaaxa, waxaanay uu ku dhacay dhulka xilli uu u muuqday inuu taabtay Maehle. Garsooraha ayaa tilmaamay rikoodhe, waxaana laga soo hubiyey VAR oo ku raacday.

Harry Kane ayaa rikoodhaha tuurtay waxaana ka qabtay Kasper Schmeichel hase yeeshee waxa uu mar kale ku celiyey kubadda, sidaas ayaanay ku heleen goolka labaad Ingiriisku.

Rikoodhahan ayay dood badani ka dhalatay, waxaana jira dad badan oo ku doodaya in rikoodhe aan jirin loo dhigay oo Raheem Sterling uu istuuray. Waxa dadkaas hormood ka ah tababarihii hore ee Arsene ee Arsene Wenger oo xataa is-weydiiyey sababta uu garsooraha ciyaartu u tegi waayey shaashadda ee uu isagu usoo fiirin waayey dhacdada.

Si kastaba, Raheem Sterling ayaa ciyaarta kaddib la weydiiyey haddii rikoodhihiisu ahaa mid jira, waxaanu yidhi: “Haa, waxa aan soo galay sanduuqa [xerada ganaaxa], waxa uu ii dhigay lugta midig, waanu taabtay lugahayga, rikoodhe caddaan ah ayay ahayd.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More