Xiddig Weyn Oo Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Chelsea & Kooxda Uu Kusii

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa macasalaamaynta mid ka mid ah xiddigaheeda waaweyn oo shandaddiisa xidh-xidhay, toddobaadkanna ka baxaya Stamford Bridge.

Chelsea ayaa rajaynaysa isbeddello inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda oo ay durba muddo bil ahi dhamaatay, waxaanay qorsheeyeen in ay iska xoojiyaan difaaca iyo afka hore ee weerarka, iyadoo uu Thomas Tuchel raadinayo dhaliye dabiici ah oo karti badan.

Erling Haaland ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa laakiin haddii ay waayaan waxay haystaan dookhyo kale oo ay u dhaqaaqaan oo ay lasoo saxeexdaan, waxaana arrintan ka wada shaqaynaya Tuchel iyo Roman Abramovich oo si shaqsi ah ugu lug leh arrintan.

Sida xilli dambe oo xalay ah ay qortay warbaahinta Sky Sports Italia, Chelsea ayaa waxa toddobaadkan ka tegaya weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo wada-hadallo kula jira AC Milan, isla markaana qarka u saaran in ay gaadhaan heshiis.

Warka ayaa sheegay in hadda ay dhinacyadu ka wada xaajoonayaan arrimo yaryar oo xaal-xaal ah oo ay ka mid tahay lacag yar oo jaban oo Chelsea ay ka doonayso AC Milan, si liiska iibka loogu daro Olivier Giroud maadaama uu heshiis cusub oo sannad ah dhowaan saxeexay.

Sky Sports Italia waxay intaas ku dartay, in Khamiista maanta la filayo in uu soo dhamaado heshiisku, isla markaana uu 34 jirkani u duulo magaalada Milan si uu u maro tijaabada caafimaadka.

Olivier Giroud ayaa Chelsea u saftay 119 ciyaarood waxaanu u dhaliyey 39 goool tan iyo markii uu uga soo wareegay Arsenal oo uu iyadana u ciyaaray 253 kulan una dhaliyey 105 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More