GO’AAN: Maamulka Horyaalka La Liga Oo Talaabo Xasaasi Ah Ka Qaaday

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay talaabo muhiim ah ka qaaday arrimaha heshiis kordhinta ee xiddigeedii hore ee Lionel Messi kaas oo 11-kii maalmood ee ugu dambeeyay koox la’aan ah kaddib markii qandaraaskiisii Camp Nou dhacay.

Walow uu Messi haatan koox la’aan yahay haddana dareenka ayaa markasta ah inuu heshiis cusub u saxeexayo Barcelona iyagoo xilli horeba kooxda isla meel dhigay waxkasta.

Hadda waxa ay u muuqataa in kaliya wakhti inaga xigo inta si rasmi ah loo shaacinayo heshiiska cusub ee uu 34 sano jirkaasi qalinka ugu duugayo Blaugrana.

Sida uu sheegayo wargeyska AS, talaabada culus ee ay Barcelona iyo maamulka horyaalka La Liga wada qaadeen ayaa ah in Messi laga diiwaan geliyay horyaalka xilli ciyaareedka dambe ee 2021-22 kaddib markii ay Barca samaysay balanqaadyo ah inay mushaharkiisa bixin karto.

Warbixinta AS ayaa sheegaysa in shaacinta heshiiska cusub ee Lionel Messi uu noqon doono mid si rasmi ah loo xaqiijiyo maalmaha soo socda,

Leo ayaa xalay soo gaadhay mid kamida hammiyada ugu waaweyn ee uu kubadda cagta ka lahaa oo ah inuu koob caalami ah kula guuleysto dalkiisa Argentina kaddib markii uu la hantay Copa America oo ay Brazil ku garaaceen.

Kaddib guusha Copa America, Leo ayaa isku dayi doona inuu xilli ciyaareedka dambe qaab xoogan ku bilawdo si uu tartame cad-cad ugu noqdo hanashada Ballon d’Or markiisii toddobaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More