Arsenal Oo Guul-darro Ku Bilaabatay Ciyaaraha Saaxiibtinimo &

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro ku bilaabatay kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub, waxaana 2-1 ku garaacday kooxda yar ee reer Scotland ee Hibernian.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Easter Road ayaa waxa uu tababare Mikel Arteta ciyaarsiiyey xiddigihiisa waaweyn sida Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette, hase yeeshee waxay la kulmeen khasaare sabab u noqday in taageereyaashu dalbadaan in shaqada laga caydhiyo tababaraha.

Arsenal oo xilli ciyaareedkii hore ku dhamaysatay halkii ugu hoosaysay tan iyo 1996kii, isla markaana ka maqan tartamada Yurub ee xilli ciyaareedkan, ayaa waxay u dhowaatay inay hoggaanka qabato xilli horeba, markaas oo Eddie Nketiah uu kubbad la hortegay goolhayaha balse uu goolka dhinac-mariyey. Sidoo kale, kabtan Aubameyang ayaa isaguna khasaariyey kubbad loo fishay inay gool tahay.

Reiss Nelson ayaa daqiiqaddii 20aad waxa uu u dhowaaday inuu shabaqa soo taabto ka hor intii aanu kubdda daba-dhigin Cedric Soares, iyadoo goolhaye Arthur Okoronko uu kubad la waayey lugta isla markaana uu Martin Boyle uu goolka Arsenal oo madhan kubadda dhex-dhigay.

Hibernian ayaa qaybta hore ee ciyaarta ku dhamaysatay iyadoo 1-0 ku hoggaaminaysa, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay maraysay daqiiqaddii 70aad ayay mar kale Hibs hoggaanka sii dheeraysatay, waxaana goolka labaad madax ugu dhaliyey Daniel Mackay.

Nicolas Pepe iyo Thomas Partey ayaa kubbad si xarrago leh iskugu soo dhiibay, waxaanay keeneen xerada ganaaxa, iyadoo Thomas Partey uu baas u dhiibay Pepe oo isaguna goolka ku toogtay, balse waa laga badbaadiyey kubaddaas.

Emile Smith Rowe ayaa ugu dambayntii ka badbaadiyey Arsenal in ay garoonka ka baxdo iyadoo aan wax gool ah dhalinin, isla markaana guul-darraysatay, waxaanu goolka madiga ah dhaliyey daqiiqaddii 82aad.

It ends in defeat in Edinburgh#HIBARS

— Arsenal (@Arsenal) July 13, 2021

Markii ay soo dhamaatay ciyaartu, waxa baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka ka bilaabmay farriin faaftay oo ay taageereyaashu ku dalbanayaan in shaqada laga caydhiyo Mikel Arteta. Twitter-ka ayaa waxa qabsaday qoraal ahaa #ArtetaOUT, waxayse tahay farriin waqti hore ah maadaama ay tahay ciyaartii u horreysay ee waliba saaxiibtinimo ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More