Howl-gal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow Villa Soomaal…
Muqdisho (Axadle) – Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka , kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.
Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya.
Ilo deegaanka ah ayaa Axadle u sheegay in howl-galka si gaar ah looga…