Howl-gal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow Villa Soomaal…

Muqdisho (Axadle) – Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka , kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa Axadle u sheegay in howl-galka si gaar ah looga sameeyey inta u dhaxeysa isgoyska Maana-Booliyo, illaa Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ciidamada inta uu socday baaritaanka ay xireen dhaq-dhaqaaqa waddooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano, halka kuwa kale ciidamadu ay sii daayeen marka ay qabteen, kasii kadib.

Saraakiisha ammaanka weli war rasmi ah kama soo saarin howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran, isla-markaana lagu xaqiijinayey ammaanka Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in howl-galkan uu daba socdo mid habeen ka hor laga sameeyey degmada Warta Nabadda, kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray xaafado hoosta kaga yalla dhismaha Villa Soomaaliya.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii dambe ahaa mid aan xasilooneen waxaa gudaha Axadle ka dhacayey falal amni darro, sida dilal qorsheysan & weeraro qaraxyo ah.

Si kastaba dhacdooyinkan iyo howl-gallada ay wadaan ciidamada ammaanka ayaa kusoo aadayo, xilli haatan la guda-galayo doorashooyinka dalka oo heshiis laga gaaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More