Xiddigii Liverpool Raadinaysay Ee Franck Kessi Oo Warka U Caddeeyey
Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara AC Milan ee Franck Kessi oo qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa ay ka hadhsan yihiin wax ka yar 12 bilood. Laacibkan ayaa kusoo baxay liiska xiddigaha ay Liverpool u doonayso inay ka dhigato beddelka Gini Wijnaldum oo si bilaash ah ugu wareegay PSG.Xiddiga reer Ivory Coast ayay AC Milan isku fahmi la’ yihiin heshiis cusub xilli uu qandaraaskiisa horena ku eg yahay June 2022, waxaanay kooxda Talyaanigu ka baqaysaa in uu si bilaash ah uga tago sidii Donnarumma…