Xiddigii Liverpool Raadinaysay Ee Franck Kessi Oo Warka U Caddeeyey

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara AC Milan ee Franck Kessi oo qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa ay ka hadhsan yihiin wax ka yar 12 bilood. Laacibkan ayaa kusoo baxay liiska xiddigaha ay Liverpool u doonayso inay ka dhigato beddelka Gini Wijnaldum oo si bilaash ah ugu wareegay PSG.

Xiddiga reer Ivory Coast ayay AC Milan isku fahmi la’ yihiin heshiis cusub xilli uu qandaraaskiisa horena ku eg yahay June 2022, waxaanay kooxda Talyaanigu ka baqaysaa in uu si bilaash ah uga tago sidii Donnarumma iyo Calhanogulu oo xagaagan ka baxay iyagoo xor ah.

Jurgen Klopp ayuu Franck Kessi  soo galay diiraddiisa markii uu Wijnaldum ka tegay Anfield, waxaase ka horreeya oo uu tababaraha reer Germany doonayaa in uu u dhaqaaqo kubbad-sameeyaha Leicester City ee Tielemans, balse haddii uu ku guul-darraysto ayuu Franck Kessi  ka mid yahay laacibiinta uu isha ku hayo ee uu saxeexooda isku dayi doono inta aanu xidhmin suuqa iibka.

Si kastaba, Franck Kessi oo waraysi siiyey wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa shaaciyey in aanu doonayn in uu ka tago AC Milan, waxaanu ballan-qaaday in uu sii joogi doono, waxaanu yidhi: “Waan ku faraxsanahay in aan doortay Milan, dareenkayguna ma aha in aan ka tago. xaqiiqdii waxa aan doonayaa in aan waligay joogo.”

Franck Kessi waxa uu hadda ku maqan yahay magaalada Tokyo ee waddanka Japan oo uu xulka qarankiisa Ivory Coast kagala qayb-gelay ciyaaraha Olombikada, waxaana marka uu kusoo laabto Milan uu rajaynayaa in uu saxeexo heshiis cusub.

“Marka aan kasoo laabto olombikada, wax walba waan xallin doonaa. Kaliya waxa aan doonayaa Milan, waxaana fikirkayga ogsoon agaasimaha ciyaaraha Paolo Maldini.” Ayuu raaciyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More