Laba Senator oo kuraastoodii ku lumiyey khilaafkii Axmed Mad…

Muqdisho (Axadle) – Khilaafkii adkaa ee mudada badan ka dhex aloosna dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa horseeday in laba ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ay lumiyaan kuraastooda.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa si rasmi ah maanta u waayey kuraastooda kadib markii laga waayey liiskii uu 27-kii bishaan soo gudbiyey Axmed Madoobe, ee maanta Kismaayo lagu doortay

Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow oo ayagu ku kala fadhiyay kuraasta kala ah; UH0033 iyo UH019 ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub oo maanta Kismaayo lagu doortay.

Kursiga UH0033 ayaa waxa ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Axmed Xaashi Maxamuud, waxaana maanta ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow) oo ayaduna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay kursiga tirsigiisu yahay UH019, waxaana maanta kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.

Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo maanta ay heshay natiijadeeda.

Sida ay ogaatay  saxafadda, Axmed Madoobe ayaa liiska musharaxiinta uga reebay Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow) kadib markii ay kala saftaan Farmaajo xiligii uu ka dhaxeeyay khilaafkii adkaa ee mudada badan taagna.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kuraasta Aqalka Sare ku abaal-mariyey mudaneyaal si weyn uga garab siiyay dagaalkii adkaa ee uu la galay madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo qaarkood ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Gobaladda Waqooyi, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More