Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Robert Lewandowski Oo Magacaabay SHANTA Weeraryahan Ee Ugu
Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa magacaabay xiddig afka hore uga ciyaara Atletico Madrid oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan dunida, kaas oo kulankiisii ugu horreeyey laba gool u dhaliyey Atletico.Robert Lewandowski oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan waqtigan dunida, waxa waxa uu kooxdiisa Bayern Munich xili ciyaareedkii tegay u dhaliyey 55 gool iyo 10 caawimood, waxaanu la qaaday dhamaan koobabkii ay u tartameen, sida Champions League,…
Muxuu Luis Suarez Ka Yidhi Taariikhdii Uu Ka Dhigay Atletico
Weeraryahanka reer Uruugay ee Luis Suarez ayaa qirtay inuuu u baahnaa inuu isbeddel ku sameeyo xirfaddiisa oo uu tago Atletico Madrid, taas oo uu xalay u saftay kulankiisii ugu horreeyey.Suarez ayaa dhaliyey laba gool, mid kalena caawiye ka noqday muddo 19 daqiiqadood ah oo uu garoonka ku jiray, waxaanu qayb ka noqday xiddigihii tababare Diego Simeone ee xasuuqa u geystay Granada.Laacibkan oo beddel kusoo galay daqiiqaddii 71aad ayaa daqiiqad kaliya markii uu garoonka ku jiray, waxa uu caawiye ka noqday goolka afraad ee…
Hordhac: Liverpool vs Arsenal | Klopp vs Arteta – Dagaalka
Kulanka hore ee laba ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay afar maalmood gudahood isku haleelayaan Liverpool iyo Arsenal ayaa caawa ka dhacay garoonka Anfield, halkaas oo Reds ay ku qaabilayso Gunners oo labadii jeer ee ugu dambeeyey marna ka badisay marna barbarro ku qabatay.Labadii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ay koox walba soo ciyaartayay ayay kasoo hooyeen guulo, waxaanay iska hor imanayaan iyagoo sita min saddex dhibcood, laakiin marka Anfield oo madhan albaabka la iskugu xidho ayuu dagaal adag ku…
Barcelona Oo Xasuuqday Villarreal Iyo Ronaldo Koeman Oo Guul
Barcelona ayaa kooxda Villarreal xasuuq xun ugu bilawday horyaalka La Liga iyada oo Ronald Koeman uu waayihiisa tababaranimo ee Barca uu si layaableh ku bilawday. Ansu Fati ayaa laba gool oo deg deg ah Barca u dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta.
Laakiin Fati ayaa markale sabab u noqday in Villarreal rekoodhe lagu dhigay isla qaybtii hore ee ciyaarta waxaana rekoodhahan gool u badalay Lionel Messi.
Goolka afraad ee Barcelona oo dhamaadkii qaybtii hore yimid ayaa ahaa mid uu iska dhaliyay difaaca Villarreal ee Pau Torres.…
Shanta Qaab Ee Uu Mikel Arteta Ku Soo Dagaal Gali Doono
Arsenal ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar laakiin Gunners ayaa dalabkii labaad oo rasmi ah u dirtay kooxda Lyon kadib markii la soo diiday dalabkii ugu horeeyay ee la gudbiyay September 25.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si layaableh u qirtay in ay door bidyaaan in kooxdoodu ay la soo saxiixato xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar taas oo sii xaqiijisay sida ay Gunners waqti badan xidigan ugu bixinayso.Aubameyang oo wax laga waydiiyay xiisaha kooxdiisa Arsenal ee Houssem Aouar ayaa yidhi:…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Villarreal Iyo Xidigaha Uu
Barcelona ayaa kulankeedii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee La Liga waxay Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Villarreal iyada oo Ronald Koeman uu soo xushay shaxdiisii ugu horaysay ee kulan tartan ah.Barcelona ayaa doonaysa in ay ka yara nasato burburkii banaanka garoonka ku soo gaadhay bilihii ugu danbeeyay iyo khilaafyadii taxanaha noqday iyada oo Koeman uu doonayo in ay iska ilaawaan wax walba oo xun oo ay kooxdoodu soo martay.Ronald Koeman ayaa shaxdiisa goolka ugu soo bilaabay Neto iyada oo goolhaye Ter Stegen…
Miyay Liecester City Markale Layaab Dhigi Doontaa? Sidee Man
Manchester City ayaa gumaad wayn kala kulantay kooxda Leicester City oo xili ciyaareedkan wcdaro cajiib ah ugu bilaabatay horyaalka Premier League iyada oo wixii ay ka sameeyeen Etihad Stadium uu su’aalo badan abuuray.Man City oo daqiiqadii 4 aad ee ciyaarta gool ku hor martay ayaa 5-2 lagu xasuuqay waxayna noqotay guuldaro shaki wayn ku abuurtay awooda kooxda uu Guardiola dib u qaabaynta ku sameeyay.Liecester City waxay guulaysatay kulankeedii 3 aad oo xidhiidh ah waxayna si xarogo leh ugu fadhiisatay halka ugu saraysa…
Leicester City Oo Man City Gumaaday, Jamie Vardy Oo
Kooxda Leicester City ayaa Manchester City ku ceebaysay Etihad Stadium iyada oo Jamie Vardy uu saddexley goolal ah uu si layaableh ugu xasuuqay Man City. Man City ayaa la kulantay guul daraadii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan balse qaabka loo bahdilay ayaa noqday mid muujinaya sida ay kooxda Guardiola xili ciyaareedkan u nugushahay.Inkasta Man City ay ciyaartoy muhiim ahi ka maqnaayeen, haddana qiimaha ciyaartoyda Man City garoonka ugu jiray iyo kuwa kaydka ka soo baxay ayaa City qiimo aad uga sareeyay kooxda Leicester…
Luis Suarez Oo Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Atletico Madrid
Luis Suarez ayaa rekoodh taariikhi ah oo aan qarnigan 21 aad laga diwaan galin kooxda Atletico Madrid waxa uu ka sameeyay kulankiisii ugu horeeyay ee uu kooxda Atletico uga soo muuqday horyaalka La Liga.Suarez ayaa Ronald Koeman iyo maamulka Barcelona tusay sida ay ugu qaldanaayeen in ay dabada la laageen oo ay qasab kaga direen Camp Nou waxaana la filayaa in uu noqon karo mid xaalad adag kooxdiisii hore ku abuuri kara marka uu Atletico Madrid kaga hor yimaado.Haddaba maxay tahay taariikhda aan qarnigan 21 aad loo diwaan…
Jose Mourinho Oo Ka Jawaabay Hadalkii Duur Xulka Ahaa Ee Uu
Jose Mourinho ayaa ka soo jawaabay hadalkii kaftanka iyo duur xulka ahaa ee uu xalay kala kulmay macalinkii shaqada Manchester United ka badalay ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo tababaraha reer Portugal erayo xanaf leh ku ganay.Markii ay Manchester United u guulaysatay qaab ayna waligeed koox kubbada cagta ahi guul uga gaadhin kulan horyaal ah ee uu garsoorihii kulankii Brighton ciyaarta oo dhamaatay dib iskugu yeedhay ee uu rekoodhaha ugu abaal mariyay United, waxa uu Solskjaer warbaahinta u sheegay hadal uu Mourinho…