“Noloshu Way Sii Soconaysaa”

Edinson Cavani ayaa farriintiisii ugu dambaysay ee macalaamaynta ahayd u diray jamaahiirta kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain, iyadoo uu isku diyaarinayo in laba saacadood gudahood si rasmi ah loogu soo bandhigo isaga oo xidhan maaliyadda ama shaadhka Manchester United.

33 jirkan reer Uruguay ayaa bishii June ka tegay PSG markii uu dhamaaday heshiiskiisu, waxaanu hadda waajahayaa loollanka cusub ee noloshiisa oo ah inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League.

Cavani oo in ka badan 200 gool u dhaliyey PSG muddo toddoba sannadood ah oo uu u ciyaarayay ayaa waxa uu kaga tegay kooxdaas calool xumo kaddib markii booskiisii laga siiyey Mauro Icardi oo Inter Milan ay kasoo qaateen sannad ka hor, isla markaana Kylian Mbappe iyo Neymar ay noqdeen rukumo aan la riixi karayn.

Red Devils ayuu heshiis laba sannadood ah u saxeexi doonaa saacadaha kooban ee suuqa iibka ciyaartoyda ka hadhsan, waxaanu fursad u heli doonaa in Old Trafford ay ku xafiiltamaan Anthony Martial iyo Marcus Rashford.

Farriin uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram ayuu Cavani kusii sagootiyey taageereyaasha kooxdiisii hore, sidoo kalena farriin hordhac ah ugaga dhigay jamaahiirta naadigiisa cusub ee Manchester United, waxaanu yidhi: “Waxaan ogahay in waqti kasoo wareegay tegistaydii laakiin mararka qaarkood way fiican tahay in waqti la isasiiyo.

“Waxay u fiican tahay madaxa in la abuuro xaalado ku yar tahay khatartu, taas oo aan mararka qaarkood aan run noqonin marar kalena mid taban noqota.

“Sidaa darteed, waxaan door biday inaan sugo hadalka.

“Waad ku mahadsan tihiin taageerada qalbiga ah ee aad isiiseen. Waa jacayl waqtiga la korayay oo ay ii muujinayeen taageereyaasha garabkayga la taagnaa wax kasta, shaqo iyo natiijaba. Waana taas sababta ay muhiimka iigu tahay.

“Dhamaan waqtiyadii wanaagsanaa ee aynu wada qaadanay, xataa mararkii aan sidaa usii fiicnayn ee nolosha qaybta ka ahaa ayaa qalbigayga kusii jiri doona.

“Wuu mahadsan yahay qof kasta oo ka shaqeeyey Paris oo si kalgacayl leh aniga wax iigu qabtay, taas ayaa ah wax muhiimka ah, taas ayaa maskaxdayda iyo jidhkaygaba ku jiraysa.”

Farriintan ayuu Edinson Cavani kusoo gunaanaday kelmado nuxurkoodu macno weyn samaynayo, waxaanu yidhi: “Noloshu way sii soconaysaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More