Manchester United Oo Si Rasmi Ah U Iibisay Daafac Weyn &

Manchester United ayaa daafaca dhexe ee Ingariiska Chris Smalling si rasmi ah uga iibisay kooxda AS Roma ka dib wadahadalo soo jiitamayay muddo seddex bilood ah.

Daafaca dhexe ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ku joogay kooxda Talyaaniga isagoo si fiican u la qabsaday horyaalka Serie A ka dib markii uu ku fashilmay Old Trafford.

Smalling ayaa diiday xagaagan inuu dib ugu soo noqdo Man United madaama uusan boos joogta ah ka heleynin sidaasi darteed Man United ayay qasab ku noqotay inay iskawada iibiso.

Manchester United ayaa xiddigaan ku iibisay 15 milyan euro oo kaash ah iyo lacago kale oo dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa.

Lacagta ay United ku iibisay Smalling waxay ku bixisay heshiiska ay goor dhaweyd kula soo wareegtay daafaca bixi Alex Telles oo ay 15 milyan euro uga soo iibsadeen kooxda FC Porto.

Daafaca reer Brazil oo 27 sanno jir ah ayaa heshiis afar sannadood ah u saxiixay Man United isagoo qiyaar u leh inuu sannad kale ku darsan karo.

Waa saxiixii labaad ee ay xagaagan sameyso United ka dib xiddiga khadka dhexe Donny van de Beek.

United ayaa sidoo kale la filayaa inay dhameystirto waqti dhow saxiixa weeraryahanka waayo araga ah Edinson Cavani kaasoo si xor ah ugu wareegaya ka dib markii uu ka tagay Paris Saint-Germain.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More