Skip to content
Saturday, October 10, 2026 27 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 25°C
Breaking: Iranian Guards Struck Tanker Transiting Strait of Hormuz via “Illegal Route”
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Xiddigii Arsenal U Waalaneysay Ee Thomas Partey Oo London Ku

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
axadle_deg_deg

Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano oo ah nin si weyn u la socda dhaqdhaqaaqyada suuqa kala iibsiga ee kooxaha Yurub ayaa goor dhow shaaciyay in xiddiga Atletico Madrid ee ay Arsenal u waalaneysay Thomas Partey inuu haatan ku sii jeedo magaalda London ee caasimada Ingariiska.

Thomas Partey ayaa ku biiraya kooxda Arsenal ka dib markii ay Gunners go’aansatay inay bixiso caawa lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico Madrid oo gaareysa 50 milyan euro.

- Advertisement -

Sida uu sheegay Fabrizio, maamulka kooxda Atletico Madrid ayaa saacad ka hor wargelin ka heshay Arsenal kuwaasoo u sheegay inay la wareegayaan Thomas Partey.

Madaama Gunners ay bixineyso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Arsenal uma baahna inay wadahadal la yeelato Atletico laakiin madaama uu xiriir fiican ka dhaxeeyo labada kooxood ayay ku wargeliyeen inay sidaasi sameyn doonaan.

Arsenal waxay lacagta lagu burburinayo qandaraaska Thomas Partey ku wareejin doontaa maamulka horyaalka La Liga kuwaasoo wakiil ka noqonaya kooxda Atletico Madrid.

Heshiis midkaan aan wax xiriir ah la laheyn ayay Atletico Madrid iyagana amaah kula wareegayaan xiddiga kooxda Arsenal Torreira kaasoo mar sii horeysay tijaabada caafimaadka u maray Atletico.

Thomas Partey is now flying to London!

Atlético Madrid board have received the notification 1 hour ago from Arsenal for Thomas.#AFC are set to trigger the release clause for €50m tonight, race against time then… here-we-go ⚪️?

Atléti will complete Torreira deal on loan. ?

— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) October 5, 2020

How do you rate this story?

0 votes