Waa Kuma Xiddiga Uu Tababare Ronald Koeman Saxeexiisa

Tababaraha xilli ciyaareedkiisii koowaad la bilawday Barcelona ee Ronald Koeman ayaa la sheegayaa inuu kalsooni ku qabo in madaxda suuqa ee kooxdiisu ay maanta soo dhammaystiri doonaan saxeexa Memphis Depay oo Lyon ka tirsan.

Barcelona ayaa la aaminsan yahay inay kaliya u dhaqaaqi doonto saxeexa Depay haddiiba uu Dembele ka baxo kooxdeeda laakiin Koeman ayaa warkiisa caddeeyay markii uu markale keydka dhigay Dembele kulankii Sevilla ee xalay.

Kaddib markii ay qaar kamida maamulka Barcelona weydiiyeen Koeman sababta uu u doonayo garab weerar isaga oo haysta Dembele, Trincao oo January kusoo biiray, Ansu Fati iyo Antoine Greizmann ayuu u sheegay in Depay wax aysan xiddigahaas kale lahayn soo kordhin karo.

Waxyaabaha uu ku doonayo Koeman saxeexa Memphis saacadaha suuqa ka hadhay ayaa ah orodkiisa tooska ah ee uu daafacyada ku wajaho, awoodiisa jidh ahaaneed iyo xaqiiqada ah inuu booska weeraryahanka dhexe ka ciyaari karo.

Barcelona ayaa hadda haysata saddex xiddig oo dhammaantood doonaya inay ka ciyaaraan No.10 oo kala ah Lionel Messi, Antoine Greizmann iyo Philippe Coutinho, waa qorshe xumo dhinaca kooxda ah inay saddex xiddig oo waaweyn booskaas u haystaan.

Koeman oo ogsoon inuu Greizmann iyo Messi sidoo kale u adeegsan karo booska No.9-ka ayaa doonaya in liiska xiddigaha kooxdiisu kordho oo Depay loo keeno.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More