Liverpool Oo Dalbatay Goolhaye Caan Ah Kaddib Markii

Liverpool ayaa xidhiidh la samaysay kooxda kubadda cagta Tottenham oo ay ka doonayso goolhayaheeda Paulo Gazzaniga si uu xal degdeg ah ugu noqdo dhibaatada dhaawac ee soo gaadhay Alisson Becker oo muddo bil iyo dheeraad ah garoomada ka maqnaan doona.

Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in ugu yaraan lix toddobaad  uu ku maqnaan doono Alisson, laakiin dhakhaatiirta kooxda ayaa waxay sheegayaan inay suurtogal tahay inuu u baahdo in qalliin lagu sameeyo, taas oo keeni doonta in muddada uu maqnaanayo ay sii dheeraato.

Sida uu qoray wargeyska Independent, LIverpool ayaa doonaysa inay goolhayaha saddexaad ee Tottenham lasoo saxeexato, si uu ku-xigeen ugu noqdo Adrian ama uu booska goolhayaha koowaadba usii ahaado inta uu Alisson Becker soo laabanayo.

Gazzaniga oo kursiga kaydka hoos usii galay markii ay Tottenham lasoo saxeexatay Joe Hart oo heshiis bilaash ah ugu yimid, waxay Liverpool dhinaciisa u jeedsatay markii ay guul-darro 7-2 ah kala kulantay West Ham oo ay Axaddii ugu tagtay Villa Park.

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa Gazzaniga kasoo hormariyey Hart oo hadda ku xiga Hugo Lloris, waxaanay taasi keentay inuu hadda Gazzaniga ka fikiro mustaqbalkiisa.

Liverpool oo la socota xaaladda goolhayahan ayaa waxay ku kalsoon tahay inay Tottenham ka ogolaan doonto dalabka inkasta oo suuqa iibka ciyaartoyda ay saacado kooban ka hadhsan yihiin.

Kulankii Aston Villa, waxa Adrian kaydka u fadhiyey Caoimhin Kelleher oo ah goolhayaha kooxda da’yarta oo aan haysanin kalsooni buuxda oo Jurgen Klopp uu ku aamini karayo inuu goolka u qabto kooxdiisa haddii Adrian ay wax soo gaadhaan inta uu Alisson maqan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More