Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Liverpool Oo Koox Kale Iibsaneysa, Alaba & Pogba Oo Camp Nou
Inkastoo suuqa kala iibsiga Yurub uu xirmay dhawaan hadana waxaa weli furan suuqa maxaliga ee dalka Ingariiska oo xirmaya 16ka bishaan October halka suuqa kala iibsiga Yurub ee bisha Janaayo ay kaliya inaga xigto labo bilood.Kooxaha ayaa durbaba isha ku haya xiddigaha ay doonayaan bisha Janaayo ama xagaaga soo socda, shabakada Laacib ayaa halkaan idiin kugu soo koobeysa wararkii ugu waa weynaa ee ay qoreen wargeysyada Yurub.Shirkada Fenway Sports Group oo ah milkiilayaasha kooxda Liverpool FC ayaa doonaya inay koox kale oo…
Muxuu Sameeyay Arsene Wenger Markii Robin van Persie Uu
Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday markii Robin van Persie uu codsaday inuu ku soo laabto Arsenal oo uu ka soo tago Manchester United.Xiddigii hore ee Netherlands ayaa u dhaliyay 100 gool Gunners mudadii sideeda sanno aheyd ee uu joogay Waqooyiga London laakiin waxa uu u wareegay Old Trafford xagaagii 2012.Talaabadaas waxay ka careysiisay taageerayaasha Arsenal iyadoo Van Persie uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ku hogaamiyay Man United koobka Premier League laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa hoos u dhacay…
Real Madrid Oo Koox Ay Dunida Ku Qabsanayso Dhisaysa &
Kaddib markii uu suuqii xagaagu soo dhammaaday iyagoo aan gabi ahaanba wax lacag ah bixinin, Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay isku diyaarinayaan sanadka 2021 oo ay dhawr saxeex oo waaweyn suuqa ka doonayaan.Haatan liiska xiddigaha da’yarta ah ee ay kooxdaasi doonayso inay dunida ku maamusho sanadaha soo socda ayuu kusoo baxay Giovanni Reyna oo ah 17 sano jir hibo weyn leh oo Borussia Dortmund ka tirsan.Walow ay Haaland iyo Mbappe markasta ahaayeen xiddigaha bar-tilmaameedka ugu sarreeya usoo ahaa Los Blancos haddana…
Liverpool Oo Qarka U Fuushay Saxeexa Cristiano Ronaldo &
Kooxda ree England ee Liverpool ayaa la sheegayaa inay ahayd mid aad ugu kalsoon inay saxeexa Cristiano Ronaldo ku garaacday dhammaan kooxaha waaweyn ee Yurub sanadkii 2003 kahor intii aysan kooxda ay xifaaltamaan ee Man United kaga guuleysan.Sir Alex Ferguson ayaa deg-deg ugu dhaqaaqay saxeexa Ronaldo oo markaas da’yar Sporting Lisbon ka tirsan ahaa isaga oo 12.2 Milyan Pound kasoo bixiyay saxeexiisana kaga guuleystay kooxo ay kamid ahaayeen Barcelona, Arsenal iyo Juventus.Laakiin war haatan soo baxaya ayaa sheegaya in…
SADDEX Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool Oo Tababarka
SADDEX Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool Oo Tababarka. Kooxda Liverpool ayaa ah mid helaysa war wanaagsan kahor kulanka ay Sabtida booqanayso kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Everton ciyaar Merseyside Derby ah oo aad u xiiso badan.
Warka u wanaagsan Reds ayaa ah inay tababarka kooxdeeda kusoo noqdeen saddexda xiddig ee kala ah daafaca dhexe ee Joel Matip, garabka weerar ee Sadio Mane iyo waliba khadka dhexe ahna saxeexa cusub ee Thiago Alcantara.
Thiago iyo Mane ayaa labadaba lagu qasbay inay karantiin mudo…
“Mesut Ozil Waa Farshaxaniste Kubadda Ka Dareema
Adrian Durham ayaa ku eedeeyey tababare Mikel Arteta inuu gabay shaqiisii Arsenal oo uu ka faa’iidaysan kari la’yahay laacibka ugu tayada badan kooxdaas ee Mesut Ozil oo uu hadda ka shaqaynayo sidii uu uga caydhin lahaa kooxda.
Ozil oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Arsenal, toddobaadkiina u xaadira lacag dhan £350,000 Gini ayaan ciyaarin tan iyo bishii March, waxaana kaba sii daran in xataa aan lagu darin liiska kooxda ee inta badan ciyaaraha oo aanu kaydkana kasoo muuqan.
Arsenal ayaa raadinaysa si ay uga…
Kooxaha Liverpool, Man United, Barcelona, Chelsea oo kharash Galiyey
Manchester United ayaa xagaagan lacag £75 milyan oo Gini ah suuqa gelisay, waxaanay lasoo saxeexatay Donny van de Beek oo ay kusoo iibsatay £35 milyan oo Gini, Alex Telles oo ay £13.5 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Porto iyo Amad Diallo oo ay £26.5 milyan oo Gini kusoo iibsadeen laakiin Old Trafford soo gaadhi doona bisha January ee sannadka cusub.
Lacagta United ay kharash garaysay ayaa waxa ka dhigaysaa kooxda saddexaad lacagtii ugu badnayd suuqa gelisay ee ciyaartooyo kusoo kharash garaysay.
Sida ay sheegtay…
Cristiano Ronaldo Oo Daawaday Tababarkii Xulka Qaranka
Cristiano Ronaldo ayay u muuqataa in xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, waxaanu daawaday tababrkii xulka qaranka Portugal uu samaynayay Salaasadii oo uu barandaha dhismaha uu deggan yahay, xilli uu go’doon ugu jiro xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay.35 jirkan ayaa shalay la shaaciyey inuu hayo Korona Fayras, waxaana laga fasaxay xerada tababarka iyadoo uu gelayo karantiil muddo toban maalmood ah oo uu ku qaadanayo magaalada Lisbon, taas oo ka dhigan inuu seegayo ciyaarta qarankiisu Arbacada la ciyaarayo Sweden.Cristiano…
Neymar Jr Oo SADDEXLEY Ku Jabiyey Rikoodhkii Gool Dhalinta
Neymar ayaa ka dul-tallaabsaday rikoodhkii gool-dhalinta halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario, kaddib markii uu saddexlay cajiib ah ka dhaliyey xulka qaranka Peru oo ciyaar dhamaatay saaka waaberigii ay ku garaaceen 4-1.Xiddiga PSG ayaa qaybtii hore ku furtay gool-dhalinta rikoodhe uu xulkiisa hoggaanka ugu dhiibay, isla markaana ku qasbay inay dib ugu fadhiistaan kuraastooda reer Peru oo joogay caasimaddooda Peru oo u dagaallamayay inay guuleystaan si ay ugu soo bixi karaan koobka adduunka ee 2022 lagu qaban doono waddanka…
Ukraine Oo Garaacday Spain, Jarmalka Oo Guul Loo Diiday Iyo
Xulka qaranka Spain ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahaayeen Ukraine oo ka tirsanayd tartanka UEFA Nations League, taas oo ay kala soo laabteen khasaare.Tababare Luis Enrique ayaa ka hor tegay Andriy Shevchenko oo ah macallinka xulka Ukraine, waxaana kulankan oo uu kusoo bilowday Sergio Ramos uu isbeddel badani ka muuqday ciyaartoyda Spain oo xiddigihii ruug-caddaaga ahaa ay qaar badan oo ka mid ahi kaydka ku jireen.Sergio Busquets iyo Sergi Roberto ayay ciyaartu u dhamaatay iyagoo kaydka…