Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Everton vs Liverpool – Jurgen

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa booqanaysa dhigeeda ay magaalo wadaagta yihiin ee Everton kulan aad u xiiso badan oo wareega shanaad ee horyaalkaas ah xilli labada kooxoodba ay guusha u dagaallami doonaan.

Liverpool ayaa doonaysa inay kasoo kabato guuldarro ceeb ahayd oo ay Aston Villa kala soo kulantay ciyaarteedii ugu dambaysay halka ay Everton doonayso inay sii wado bandhiga 100% ah ee ay ilaa haatan ku socoto.

Tababare Klopp ayaa Van Dijk kusoo lamaanaysiiyay Joel Matip oo dhaawac mudo ku maqnaa, Henderson iyo Thiago ayaa khadka dhexe kusoo bilawday halka Gomez iyo Wijnaldum-ba uu keydka u dhaadhiciyay.

Saddexleyda weerar ee MSF ayaa weerarka ku midaysan waxaana soo laabtay Sadio Mane oo maqnaa kulankii ugu dambeeyay ee Villa.

Dhinaca Toffees Carlo Ancelotti ayaa kusoo dagaal tagay shaxdii uu afartii kulan ee hore kusoo guuleystay.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More